Taliye ku-xigeenka booliska oo tababbar u soo xiray saraakiil ciidan “SAWIRRO”

  Thursday December 17, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Sareeyo Guuto Muqtaar Xuseen Afrax ayaa maanta tababbar u soo xiray saraakiil ciidan oo tababbar uga socday Muqdisho.

Tababbarka soo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa lagu baranayay sidii ay u sameyn lahaayeen manhaj ay ku mideysanyihiin ciidanka booliska haddii ay ahaan lahayd heer maamul goboleed iyo mid federaal ah, isla markaana tababarka ciidanka la siinayo uu noqdo mid isku mid ah.

Saraakiisha ka kala socday gobollada dalka, ee tabababarka ugu soo gabo gaboobay Muqdisho ayaa sheegay in mudaddii uu tababarka socday ay isku raaceen in la helo manhaj ay ku mideysanyihiin ciidanka booliska, ayna soo dhaweynayaan tababbarka caasimadda loogu soo gabo gabeeyay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax oo soo xiray tababbarka ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in ciidanka booliska heer maamul gobol iyo mid federal ay yeeshaan manhaj ay ku mideysanyihiin, isla markaana suurta gelinaya in ay helaan tababbaro isku mid ah.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS