Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka oo ku baaqay in la ilaaliyo sharciyada waddooyinka

  Wednesday December 16, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Taliska Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen waddooyinka caasimadda.

Hawlgalkan ay sameynayeen Ciidamada Nabadgelyada waddooyinka ayaa ujeedkiisu ahaa sida loo ogaan lahaa sharciyadda ay ku shaqeeyaan wadayaasha gaadiidka aan la heyn waraaqaha iyo tan gawaarida ay wadayaan.

Taliyaha qaybta Nabadgelyada Waddooyinka Gaashaanle Sare Cali Maxamed Cali ayaa sheegay in ciidanka ilaalada waddooyinka ay har iyo habeenba u taaganyihiin gudashada waajibaadka loo idmaday, waxaana uu ku baaqay in wadayaasha gaadiidka ay ilaaliyaan sharciga baabuur wadista.

Gaashaanle Sare Cali Maxamed Cali ayaa tilmaamay in shacabka looga baahanyahay sidii ciidamada ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko loogu gacan siin lahaa howlaha ay u hayaan, si loo ilaaliyo sharuucda waddooyinka iyo wadista gaadiidka.

Hawlgalkan ayaa waxaa uu qayb ka ahay u diyaargarowga sanadguurada 72aad ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku began 20-ka bishan December ee maalinta Axadda ah./

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS