Xafiiska ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo laga hirgeliyay taliska booliska “SAWIRRO

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ka hirgeliyay waax cusub oo shaqadeedu tahay ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta, iyadoo munaasabaddii u xariga kaga jarayay ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha iyo qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in waaxda cusub ay qaban doonto kiisaska la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta, si looga hortago falalka nuucaasi oo kale ah.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso waaxda cusub ee taliska booliska laga hirgeliyay, ayna diyaar u tahay in ay la shaqeeyaan.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xariga ka jaray dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay taliska ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko.

Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Gaashaanle Sare Cali Maxamed Cali oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin dhismaha cusub ee laga hirgeliyay taliska taraafikada, kaasi oo uu ku sheegay inay ku howlgeli doonaan.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhismaha cusub lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso oo uu kal hore ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa si la mid ah xariga uga jaray dhismo lagu soo kordhiyay xarunta ay ku howlgalaan ciidanka Laanta miino baarista ee booliska

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa xusay in Wasaaraddu ay taliska ciidanka booliska ku bogaadineyso mashaariicda kala duwan ee ay hirgeliyeen.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS