Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir uu uga qeyb galay dalka Austria “Dhageyso”

  Sunday December 20, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa ka warbixiyay shir looga hadlayay xabsiyada oo lagu qabtay dalka Austria, isagoo dhanka kale hambalyo ku aadan 72aad guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska u diray ciidamada meelkasta oo ay joogaan.

Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaan sheegay in dalka Austria uu uga geyb galay shir looga hadlayay arrimaha xabsiyada, waxaana uu intaa ku daray in shirka ay ku soo gabo gabowday guulo wax ku ool ah

“Shirka waxaan ka jeediyay xaaladda ay ku suganyihiin xabsiyada Soomaalida, caqabadaha naga heysta xagga qalabka, baahida aan u qabno in aan helno tababbaro iyo nagala saacido sida maxaabiista loo bari lahaa xirfado ay beri ku shaqeysan karaan, waxana rajeyneynaa inay wax wanaagsan nooga soo baxaan” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xusay in uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka oo uu kala hadlay sidii ay tababbaro u siin lahaayeen ciidanka Asluubta, maadaama ay kolkii hore ay gacan ka geysan jireen caawinta ciidanka Asluubta, isagoo intaa ku daray in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaatay wakiilada dowladihii shirka ka qeyb galay.

Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa ciidanka booliska ugu hambalyeeyay xuska 72aad guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka.

“Waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taliyaha, taliye-xigeennada, sareeyayaasha, saraakiisha, kormeerayaasha, sareeyo xigeenada, alifleyda iyo dableyda ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo Qoysaskooduba, hambalyo kal iyo laab ah, ku damaashaada, farxad, sanadka sanadkiisana ku gaara guul iyo horumar, Ummaddiinu way idiin hanweyn tahay, waana hubaa inaad xasilinta amnigooda iyo ilaalinta naftooda iyo hantidooda aad har iyo habeen u taagantihiin” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS