Kaalinta Siyaasadda Dumarka 2016’ka oo laga hadlay “SAWIRRO”

  Wednesday December 16, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Munaasabaddaan oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana ay soo Qaban qaabisay Marwada koowaad ee dalka Qamar Cali Cumar ayaa looga hadlayay Doorka Haweenka ee Siyaasadda Sannadka 2016’ka iyo Sidii Dumarka qoodadooda u helilahaayeen.

Si doo kale Munaasabadda waxaa lagu casuumay haween ka kala socday dowlad gobolleedyada qeybtaka ah Dowladda federaalka ah,Sida Puntiland, Galmudug, KoonfurGalbeed, Jubbland, haween kale oo matalaayey Qaatumo iyo Wasiirrada haweenka,Caafimaadk iyo xubno wasiriro ah oo kalamatalaayey Dowlad Gobolleedyada haweenka Qaranka iyo kooxda fananiinta Shamsudiin Band.

Wasiirka haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa shegtay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin way uga jiraan ka qeyb qaadashada Nabada iyo isukeenidda dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay bishi hore in shirarki isku midka ahaa ee kadhacey guud ahaan Gobollada dalka Soomaaliya iney ahaayeen shirar baahida dadka iyo Aragtiyadooda lagu ogaanayey.

Dhanka kale Madaxweynaha oo sigaar ah ula hadlayey Haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Baarlamaanka soo socda dumarku ay kahelidoonan Qoondadood boqolkiiba30.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS