DAAW0 SAWIRADA:- Dufacadii ugu horaysay Arday Soomaaliyeed oo Suudaan deeqo waxbarasho ka heshay oo Khartoum Gaaray

  Wednesday December 16, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

In ka badan 100 Arday oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Suudaan ee aan walaalaha nahay ayaa gaaray Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.

Ardaydan soo si diiran loogu soo dhaweeyay Airport-ka Caalamiga ah ee Magaalada Khartoum ka mid ahaa Madaxdii Soo dhawaysay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Ibraahin Guure Maxamed, Uqabsanaha Waxbarashada Safaaradda Cabdiqaadir Maxamuud Cali Guulane, Uqaybsanaha Warfaafinta Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow, Gudoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo madax kale oo jaaliyad iyo Aqoonyahano isugu jira.

Qaar kamid ah Madaxda soo dhawaysay Ardayda oo banaanka hore ee Airporka Khartoum kula hadashay ayaa dhamaan u sheegay in lagu soo dhaweenayo Wadankoodii labaad oo aysan dariimi doonin inta ay Suudaan jooga qurbo oo ay yihiin Dadka Suudaanta ah dad aad u wanaagsan oo jecel walaalahood Soomaaliyeed.

Uqaybsaha Waxbarasha Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdiqaadir Guulane oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in ardaya tiradooda tahay 107 arday kuwaas oo ka mid ah Ardaydii heshay deeqda waxbarasho ee sanadkan Suudaan ka heshay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Uqaybsaha ayaa aad ugu mahadnaqay Wasiiradda Waxbarashada Drs. Khadar Bashiir Cali oo ku sheegay in ay dadaal dheer ku bixisay sidii ardaydan ay Suudaan ku imaan lahaayeen kana shaqaysay in Diyaarad toos ah usoo kirayso oo Muqdisho to Khartoum ahayd midaas oo aysan wax dhib ah kala kulmin ardayda safarkooda.

qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho heshay ayaa aad ugu mahadnaqay boqolaalkii Arday iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda ee sida diiran usoo dhaweeyay dareesiiyayna in walaalo ku leeyihiin gudaha Dalka Suudaan.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS