Xildhibaan Maxamed Qoone oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Beladweyne

  Monday December 14, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoone oo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada B/weyne in dagaalka ay joojiyaan.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoone oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada xilligaan ka socda Magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaanu ku baaqay in si Shurduud la’aan ah loo joojiyo dagaaladaasi maadaama dagaal uusan wax faa’iida ah lahayn.

Xildhibaan Qoone ayaa yiri” Dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, hanti ayaa ku qasaarta faa’iidana lagama helo, waxaan ugu baaqi lahaa Odayaasha dhaqanka, waxgarad iyo culumada in ay u istaagaan xalinta dagaal beeleedyadaasi”

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ay u istaagto wax ka qabashada iyo gurmashada dadkaasi walaalaha ah ee ay dirirtu u dhaxayso si xal kama dambays ah looga gaaro colaadaha ka jira Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Qoone ayaa yiri“ Xukuumaddu waa in ay dag dag u gaartaa dadkaas walaalaha ah ee diriraya si la mid ah sidii dagaaladii Gaalkacyo, waana in aan la yaraysan xaalada ka jirta Beladweyne oo ilaa hada sababtay dhimasha iyo dhaawac badan, marka Xukuumaddu waa in ay doorkeeda qaadataa”

Ugu dambayn Xildhibaan Qoone ayaa wadajir ugu baaqay Shacabka ku nool Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe in nabadda ay ka wada qayb qaataan si loo helo Maamul horseeda Nidaam iyo wax wada qabsi.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS