Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo siminaar u furay hay’ado u dooda xaquuqda Aadanaha “SAWIRRO”

  Monday December 14, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  


Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa maanta tababbar u furay qaar ka mid ah wakiilo ka kala socday hey’adaha u dooda xuuqul Aadanaha Soomaaliya.

Tababbarakaan ayaa waxa lugu baranaayaa arrimo ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha isla markana ay ka qeyb galayaan ku dhawad 50 xubnood oo ka kala socda qaar ka mid ah degmooyinka iyo gobalada dalka, kaasi oo socon doono muddo saddex cisho ah, iyadoo ay soo qaban qaabisay dalad xuquuqda aadanaha u dooda oo fadhigooga yahay dalka Uganda.

Ugu horeyn waxa madasha kulankaasi hadal ka jeydiiya Cabdi Cismaan Maxmuud oo ka mid ah wakiilada hey’adaha siminaarka ka qeyb galaayaya, ayaa mahad naq ballaran u jeydiiyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha iyo mas’uulinta soo qaban qaabisay tababarkaani.

Xasan Shire oo ah madaxa dalada difaacayasha xuqul insaanka isla markana ah hey’addii soo qaban qaabisay siminarka ayaa tilmamaay in tababbarkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay ka qeyb galayaasha, isagoo waxyaabaha ay bartaan ay ugu adeegaan bulshadooda.

Ugu danbeyntii Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabllaahi Colaad Rooble ayaa daahfuray tababarkaasi lagu baranaayo difaaca iyo ilaalinta xuqul insaanka, isagoo kula dardaarmay ka qeyb galayaasha iney ka faa’iideystaan tababbarka, isla markana looga fadhiyo sidii ay bulshada inteyda kale u garsiin lahayeen waxyaabihi ay ku barteen intii uu socday tababbarka


Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS