Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu xiray

  Saturday July 21, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu xiray

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax gaari lagu xiray oo saaka ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon degmada Boondheere, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in hal ruux uu ku dhintay, kaasoo ahaa Madaxa qeybta Shaqaalaha iyo Tirakoobka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Fu’aad Saleebaan Jaamac.

Gaariga qarxay ayaa ahaa Fielder oo ah gaadiidka raaxada loo yaqaano, waxaana saarnaa illaa saddex qof oo ahaa wiil, hooyadiis iyo wiil kale oo la dhashay.

Wararka ayaa sheegaya marxuumka dhintay uu hooyadiis u sii waday garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyada oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa tacsi u diray qofka ku geeriyooday qaraxaas, qoraal uu ku soo qoray baraha bulshada.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada uu ka baxay Madaxa qeybta Shaqaalaha ee Waaxda Shaqaalaha iyo Tirakoobka ee Wasaardda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta JFS, Fu’aad Saleebaan Jaamac, oo saaka gacan ka xaqdaran ku dishay Muqdisho”ayuu yiri Wasiir dowlaha Wasaaradda Diinta.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS