Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha iyo Taliye kuxigeenada Booliska
Thursday January 25, 2018 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa magacaabay Taliyaha cusub Booliska iyo kuxigeenadiisa ee hoggaamin doona Ciidamada Booliska Puntland.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Sareeto Guuto C/llaahi Shire Dool loo magacaabay Taliyaha Booliska.
Akhriso wareegtada:
Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Datuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1-Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.
2-Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
3-Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
NO COMMENTS