![]() |
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha iyo Taliye kuxigeenada Booliska
Thursday January 25, 2018 - 14:57:39
![]() Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa magacaabay Taliyaha cusub Booliska iyo kuxigeenadiisa ee hoggaamin doona Ciidamada Booliska Puntland. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Sareeto Guuto C/llaahi Shire Dool loo magacaabay Taliyaha Booliska. Akhriso wareegtada: Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Datuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1-Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland. 2-Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland. 3-Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland. |