Isku-Shaandheyn Lagu Sameynayo Golaha Wasiirada Soomaaliya Iyo Shirar Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

  Sunday January 21, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Isku-Shaandheyn Lagu Sameynayo Golaha Wasiirada Soomaaliya Iyo Shirar Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Qorashaha ku saabsan isku-shandheynta Golaha Wasiirada iyo Magacaabista kuwo kale ayaa laga dareemaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre sida ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

Isbedelaan la sugayo ayaa waxaa ka mid ah Magacaabista Wasiirada uu booskooda banaanyahay, sida Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musoobiooyinka, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirka Warfaafinta kuwaas oo mudo dhowr bil ah uu xilkooda banaan yahay marka laga reebo Warfaafinta.

Xogaha ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdaan kulamo xasaasi ah kuwaas oo looga arinsanayo isku-shaandyentaas ka hor Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la filayo in uu dalka Dibadiisa aado.

Isku-shaandheyntaas ayaa waxa ay saameyn doontaa Wasiiro hadda xilal haya oo ay macquul tahay in ay meesha ka baxaan halka ay ka soo muuqan doonaan musharixiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartantay doorashadii Madaxtinimada Soomaliya 8-dii Bishii Febarayo ee Sanadkii 2017.

Sidoo kale waxaa la sameyn doonaa Magacaabista taliyayaasha Booliska iyo Nabad-Sugida oo ku xiran Isku-Shaandheynta Golaha Wasiirada maadaama laga yaabo in ay u saameyso habka awood qeybsiga Beelaha.

Isku-Shaandheyntaan la filayo ayaa waxa ay imaaneysaa xili Magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahaana duqa muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS