WAR DEG-DEG: Taabit oo war culus kasoo saaray magacaabidii guddoomiyihii gobolka Banadir iyo xafiiskii gobolka Banaadir oo lala wareegay.

  Sunday January 21, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
WAR DEG-DEG: Taabit oo war culus kasoo saaray magacaabidii guddoomiyihii gobolka Banadir iyo xafiiskii gobolka Banaadir oo lala wareegay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye kuxigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;Madaxweyahu waxuu guddoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Eng, Cismaan Yariisow, oo ahaa wasiirkkii warfaafinta Soomaaliya.

Hadaba, guddoomiye Taabit oo xilkaan laga qaaday, ayaa sheegay inuu weli yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ee xaqa ah. waxaana hadalkii kamid ahaa,” Gudoomiyaha sharciga ah ee gobolka Banaadir waa aniga oo ah Taabit Cabdi.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay xafiiskii guddoomiye Taabit uu xalay kaga dhawaaqay in la doortay.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS