VIDEO Ra’iisul Wasaaraha oo Soo Dhoweeyay Maxaabiis Laga Soo Daayay Dalka Hindiya

  Friday January 19, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ra’iisul Wasaaraha oo Soo Dhoweeyay Maxaabiis Laga Soo Daayay Dalka HindiyaRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Goloha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa caawa maqribkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyeen 41 maxaaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo ku xirnaa dalka Hindiya, kuwaasoo dib u helay xoriyadoodii,ka dib dadaalo badan oo ay samaysay dawladda Soomaaliya, si loo sii daayo muwaadiniinteeda. Qaar ka mid ah goloha Wasiirada Soomaaliya, Xil-dhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo dhawaynta maxaabiista ku waheliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxyna si marxaba ku jirto dhalinyarada ugu soo dhaweeyeen dalkooda hooyo.Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale ay soo dhaweeyaan muwaadiiniin Soomaaliyeed, oo si yaabo kala duwan ugu xirnaa dalka Hindiya. Waxayna ka turjumaysaa sida ay xukuumadda Soomaaliya ugu dadaalayso in dhamaan maxaabiista Soomaaliyeed laga soo daayo wadamada ay ku xirin yihiin, lana dareen siiyo in ay dawlad lee yihiin. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa intii dhalinyaradeenaay dalka dibadiisa ku xiranyihiin ma nasandoono, waana soo dayndoonaa. Xukuumaduna waxay ka shaqaynaysaa sidii ay muwaadiniinteeda ugu gurman lahayd, taas oo ah waajib nasaaran. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Safiirka dalka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, oo maxaabiista ku waheliyay safarka ayaa tilmaamay in dhalinyaradan lagu soo daayay heshiis dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dawladda Hindiya, kaas oo sahlay in ay dib u helaan xoriyadoodii. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmamay hadii ay gacmaha is qabsadaan shacabka iyo dawladooda, in maalin walba guul iyo horumar wanaagsan samayndoono. Sidoo kalena waxuu u hambalyeeyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay guushan, isagoona u mahed celiyay hay’addaha dawliga ah ee ku howlan soo daynta maxabiista Soomalaiyeed.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS