Qaar kamid ah maxaabiis Soomaali ah oo ku xirneyd dalka Hindiya oo soo gaaray Muqdisho

  Friday January 19, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaar kamid ah maxaabiis Soomaali ah oo ku xirneyd dalka Hindiya oo soo gaaray Muqdisho

41-ka mid ahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyo ku yaal dalka Hindiya ayaa caawa fiidkii soo gaaray magaalada Muqdisho.
Maxaabiistan oo dalka Hindiya ugu xirnaa dambiyo la xiriira burcad badeednimo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay

Garoonka Diyaaradaha Maxaabiista Soomaaliyeed waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa u dirtey diyaarad gaar ah in dalkooda lagu keeno maxaabiistan waxaana la socday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya iyo xubno kale.

Maxaabiistan la keenay caawa magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku xirnaayeen dalka Hindiya illaa iyo sanadkii 2011kii, wadahadalo ay dowlada Soomaaliya la gashay dowlada Hindiya ayaa ugu dambeyn sababtay is faham labada dhinac ah.

Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay dib u soo laabashada dhalinyaradan inay tahay guul kale oo u soo hoyatay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dalkooda hooyo ay ku soo dhaweynayaan Maxaabiistan.

“Waxaan caawa Muqdisho ku soo dhaweynay 41 Maxaabiis Soomaaliyeed ah, oo mudo ku xirnaa dalka Hindiya, 76 kale ayaa dhiman iyaguna bisha Febraayo ayay dalka imaan doonaan, sida aan ku heshiinay Dowladda Hindiya, Dowladdu sidoo kale waxay wadaa dadaal ku aadan sidii loo deyn lahaa Maxaabiista kale ee ku xiran wadamada kale.” Ayuu yiri Khayre.

Hase yeeshee waxaa jira weli boqolaal Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcadnimo kuwaasoo ku jira xabsiyo ku kala yaal caalamka. Balse dowlada federalka ayaa hore ugu guuleysatay in la sii daayo Soomaali ku xirneyd xabsiyo ku yaal dalka Itoobiya waxaana ka mid ahaa Weriye Soomaaliyeed Maxamed Aweys Muudey kaasoo maxkamad ku xukuntay xabsi dheer.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS