Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay ciidamo horay uga tirsanaa Ahlu Sunna Waljameeca

  Thursday January 18, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay ciidamo horay uga tirsanaa Ahlu Sunna Waljameeca

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgallay munaasabad dowladda Soomaaliya ay kula wareegtay ciidamo horay uga tirsanaa Ahlu Sunna Waljameeca.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Ahlu Sunna ay heshiis la gaartay Galmudug, islamarkaana ka mid noqotay maamul gobolleedka Galmudug.

Munaasabad waxaa ka hadlay madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo horay u ahaa Hoggaamiyaha Ahlusuna ee Gobolada Dhexe, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in ciidamada ku wareejiyaan dowladda Federaalka.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Ciidamadan ay yihiin kuwo ka dhowrsan waxyaabaha mukhaadaraadka, isagoo kula dar daarmay Shabaab inay ka saaraan deegaanada gobolada dhexe.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in soo dhoweynayaan ciidamadan lagu wareejiyay dolwadda Soomaaliya, isla markaana loo bixin doono magac cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo gabagabadii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay farxad u tahay in ciidankan lagu wareejiyay dowladda Federaalka, isla markaana ah ciidan dalkooda, dadkooda iyo diintooda difaacay.

Waxaa uu ku ammaanay in ciidamadan ay ka difaaceen Gobolada Dhexe Al-Shabaab, isla markaana ay ku abaal marinayaan inay ka mid noqdaan Ciidamada dowladda Federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Ma ahan markii u horeysay ee dowladda Federaalka lagu wareejiyay ciidamo, sanadkii 2014 ayay aheyd markii ciidamo ka tirsanaa kuwa Ahlu Sunna lagu wareejiyay dowladda, xilligaasoo dowladda u magacawday Gobolka Galgaduud Maamul cusub, hase ahatee khilaafaad ka dhashay dhismihii maamulka Galmudug ayay Ahlusuna mar kale gaar noqdeen, isla markaana dib u qabsadeen Guriceel iyo Dhuusamareeb.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS