Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Dhuusamareeb

  Tuesday January 16, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii ay safar dhinaca dhulka ah kaga soo ambabaxeen Cadaado.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo xubno kale ayaa lagu soo dhoweeyay afaafka hore ee magaalada.

Dadweyne fara badan oo taagnaa waddooyinka ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu wadaa in goor dhow uu meel fagaare ah kala hadlo.

Madaxweynaha ayaa loo diyaariyay xarun uu dego, halkaasoo ay ammaankeeda la wareegeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo Cas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona waxgaradka, qeybaha bulshada iyo Mas’uuliyiinta Ahlusuna.

Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb munaasabadda lagu mideynayo Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug, kaddib markii heshiis awood qeybsi ah ay ku gaareen dhamaadkii sanadkii hore.

Madax ka socota maamul goboleedyada iyo wakiilo ka socota Beesha Caalamka ayaa ka qeyb galaya munaasabaddan oo ku baxeysa lacago mallaayiin dollar oo ay bixineyso Qaramada Midoobey.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS