Madaxda dowlad goboleedyada oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb

  Tuesday January 16, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxda dowlad goboleedyada oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyagoo ka qeyb galaya shirka lagu mideynayo Maamulka Ahlusuna iyo Galmudug, kuwaasoo dhamaadkii sanadkii hore heshiis awood qeybsi ku gaaray dalka Jabuuti.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Puntland oo saacadaha soo socda ku wajahan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in safar dhinaca dhulka ay ku gaaraan Madaxweyne Farmaajo oo uu wehliyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Cadaado.

Mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka oo uu ka mid yahay ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa la filayaa inay gaaraan Dhuusamareeb.

Wariyeyaasha ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in la diyaariyay xaruntii uu ka dhici lahaa Munaasabadda lagu dhameystirayo heshiiska labada maamul, waxaa kaloo Madaxda tageysa Dhuusamareeb loo diyaariyay hoy la dejiyo.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa ammaanka sugaya Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS