Fannaanada Khadiijo Daleys oo geeriyootay
Monday January 15, 2018 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Wararka naga soo gaaraya dalka Canada ayaa waxa ay sheegayaan in Isbitaal ku yaalla halkaasi ay ku geeriyootay Fanaanada Caanka ah Khadiijo Cabdulaahi Daleys.
Khadiijo Cabdulaahi Daleys ayaa Sanadyadii ugu dambeysay ku nool laheyd dalka Canada, waxaana dalka ay ka baxday xilligii Burburka.
Maalmihii ugu dambeyay ayay ku jirtay Isbitaal ku yaalla dalkaasi oo ay ku xanuunsansay.
Daleys ayaa ka tirsaneyd hobollada WaaberiFannaanadan waxaa ka ay ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay ee heesa, Koonfurta Soomaaliya.
Heesaha ay qaaday ee sida wayn loogu xusuusto Fanaanada, waxaa ka mid ah.
Muruqiina maalo
dhulka miro ku beera
Macdanta, dahabka
Muujiya wanaagaay
Fanaaniinta Soomaaliyed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Khadiija Daleys oo haldoorka Fanka Somaliyed ka mid aheyd.
NO COMMENTS