Shir looga hadlayay daraasad laga sameeyay abaartii dalka ku dhufatay oo lagu qabtay Kismaayo+Sawirro

  Sunday January 14, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Shir looga hadlayay daraasad laga sameeyay abaartii dalka ku dhufatay oo lagu qabtay Kismaayo+Sawirro

Shirkan Wadatashiga ah oo looga hadlay Daraasad laga sameeyay laga sameeyay abaarahii ka dhacay dalka sanadii 2016 iyo 2017 ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo kaas oo ay ka qeybgaleen mas”uulayiinta Wasaaradda Qorsheynta oo shirka wadatashiga soo qaban qaabisay iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowlad gobaleedka jubbaland.

Daarasada wax ay qeexaysaa dhibaatada ka dhalatay abaarahii ka dhacay dalka, waxybaaha ugu badan ee keena abaaraha iyo sida looga gaashaman karo iyadoo diirada la saarayo isla qaadashada natiijada daraasadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Dowlad gobleedka jubbaland oo daraasada si qota dheer uga hadlay qeybta quseyso kan jubbaland ahaan ayaa tilmaayay sida wanaagsan ee ay dowladda uga go,antahay wax ka qabashada abaaraha oo si cilmiyeesan loo darsayo.

Cabdiqaadir Aadan Maxamed Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxuu si kooban sharxaad ugu baxiyay Ujeedka kulankan iyo marxaladihii laga soo maray samaynta daraasaddan.

Wuxuu sheegay in waqti iyo dhaqaalo lagu bixiyay sidii daraasad dhab ah looga sameyn lahaa abaarihii ku dhuftay dalka sanadii la soo dhaafay,islamarkaana loo heli lahaa natiijada rasmiga ama dhibaatada abaartaasi ka dhalatay.

Daarasadan laga sameyay Gobalada dalka ayaa markii ugu horeysay maanta lagu soo bandhigay xarunta KMG ah Jubbaland ayaa sidan oo kale lagu soo bandhigi doona Dowlad Gobaleedyada Wadanka si wadajir ah wax looga qabto abaaraha dalka ku soo noq noqtay.

.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS