QABYAALADU WAA QARAN DUMIS

  Saturday January 13, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

QABYAALADU WAA QARAN DUMIS

Qabyakaladu waa arriin dulmi iyo boob ku dhisan oo aan Eebbe ka raali ahayn maxaa yeelay dumigu waa mudigyo oo qofkii duligaasi geysta na Ilaahay ka abaal mari doono, wax walba oo xaqdaro lagu dhisana waxay noqdaan ciribtiisa dambe ku dambeyn doontaa burbur ,inta afka soomaaliyeed ku hadasha intooda badan waxaa isaga qaldan qabiilka iyo qabyaadadu, waa ay fiicnaan lahayd in la fahmo waxa ay u kala duwan yihiin, qabiilku waxaa inooga filininta Naska Quraanka Kariimka Eebbe noogu sheegay oo ah in aan isku garano oo kaliya taasoo haddii aan hoose ugu dego qabiilku waa astaan la isku garto oo ay isku bahaystaan dad wada dhalasho dhiig iyo abtirsiinyo ay ka dhaxeyso, ama kuwa degaan kulmiyey waana arin wanaagsan haddii loo adeegsado lana raaco wadada toosaan ee Diinkeena muqadas ka ah ku xusan in loo adeegsado dhanka wanaaga laga na fogaado qabiilku in loo adeegsado dhinaca qabyaalad iyo wax alla wixii xumaata ah.

Qabyaaladu waa cudur ka mid ah cuduradda ku dhaca nafsadda,waxaana cudurkaasi uu ka yimaada ama sabab u ah xasadnimadda , xiqdiga , eex iyo qaraabo kiilba qabiil xambarsan, qofkii cudurkaasi uu asiiba na wuxuu dareemayaa kalsooni daro iyo walwal maxaa yeelay waa qof aan isku kalsooneen. Cudurkaani qabyaaladu waa ficil xun kana soo jeeda asal ahaan shaydaankii weynaa Ibleysee aabbaheyn Nabbi Adam iyo hooyadeyn Hawa ka soo saaray jannada xasadnimo darteed, waxaana arrinkaasi ku xambaaray kibir iyo islaweyni oo anaaniyada ku dhisan,kolkuu lahaa aniga ayaa ka kheyr badan nabbi Adam cs. Waayo nabbi Adam cs dhoobo ciid ah ayaa laga abuuray,aniga oo ibleys ah na waxaa la iga abuuray dab, ficilkaasi xun qof alla qofkii maanta ku dhaqma wuxuu jahanama saaxiib kula noqon doonaa ibleys , taasi waxay noo caddeyneysaa oo Ilaahaynooga digay in Ibleys iyo caruurtiisa aan iska ilaalino oo aan ka fogaano ficiladda aan Eebbe raali ka ahayn uu ka mid yahay qabyaaladu.

Qabyaalddu waa qaran dumis waxayna ka soo hor jeeda guud ah horumarka bulshadda oo idil sida waxbarashadda, nabad galyadda, cadaaladda , midnimada, sinaanta, iyo daryeelka dawladnimo, sidaasi darteed waxaa haboon in qabyaaladu laga fogaaddo isla markaasi na la badiyo wacygelinta dadweyna oo looga digaayo xumaatadda ay leedahay qabyaaladdu, marka waxaa cad shakina uusan ku jirin in cudurka qaybyaaladu uu yahay dilaayaasha midkooda ugu qatarsan halis na ku ah burburka qaranimo, xanuunkaasi calaamadaha lagu garto waa ay fara badan yihiin waxaana ka mid ah oo ugu weyn waa xaasidnimo, jahilnimo, islaweyni, naceeb, musuqmaasuq, cadaawad, been, shaxaad, ma shaqayste iyo kalsooni daro iwm. Runtii qabyaaladu waxaa adeegsadda qof aan damiir iyo dadnimo toona lahayn isla markaasi na diintana ka fog , imaan na uusan ba lahayn waa qof daneysta ah oo mar walbadanahiis gaar ah qabiilka ku oor kacsadda, kuwaa soo idil aan kor ku soo xusnay waxay ka mid yihiin calaamadaha qofka aan isku kalsooneen oo adeegsadda qabyaaladdu.

Haddaba cudurkaan dilaaga ah side looga samata bixi karaa ? Runtii waxaa looga samata bixi karaa inta gacanta lagu qabto diinta islamka ah iyo sunadda nabigeena scw oo qofkii labadaasi qabsadda uusan ka lumeynin wadada toosan, waxaana looga hor tagi karaa cudunka qaybaaladu in iimaankeena aan xoojino iyo cabsida Ilaahay aan badino isla markaasi na aan ka fogaano xaasidnimadda iyo islaweynida arrinkaa soo badda naa qofka ku xambarta inuu adeegsado qabyaaladda.

Sida la wada ogyahay haddii dadku diintooda xaniifka ah ku dhaqmaan waxaa dhab ah inay ka baxaan in ay ka fogaadaan xumatadda qabyaaladu ay leedahay, Nabigena subanaa naxriis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato wuxuu yiri ,“Na ga mid ma ah nin dagaalamay oo qaraabo kiil ku dagaalamay isla markaasi na nag a ma mid ah nin nin qarabo kiil ku dhinta ” sidaasi darteed waxaan kula dardaarmi lahaa dadka samaha jecel in kafogaadaan qabyaaladu maxaa qabyaaladu waa shey aad u fool xun ee iska daaya.

Waxaa is weydiin muddan soomaalidu sidee ay u arkaan ama u aaminsan yhiin qabiilka ??, Shaqsi ahaan waxaan leeyahay soomaali weyn badan koodii ilaa in yar ilaahay xaq tusiyey mooyee, bulshada soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in dadka ay kala sareeyaan arriinkaasi waa been iyo buhtaan oo aan diinta islaamka sal iyo raad mid na aan ku lahayn, maxaa yeelay waxaa ugu karaamo badan ilaahay xagiisi kan idin kuugu cibaado badan kaasi ayaa na ilaahay xagiisi sharafka iyo karaama ba ku leh, Nabbigeena suubanaa swc wuxuu yiri , “qofkii uu camalkiisu dib u dhigaa aysan qabiilkiisu ama heybtiisu hormarineyn“. Qaar kale oo bulsha weynta soomaaliyeed ka mid ah qabiilku waxay u arkaan in noolasha ba ay ku xiran tahay qabiil, la’aantiisa na aan la noolan Karinoo aan laga maarmi Karin , wax walba ay ka hormariyaa , isla markaasi na wax walba ay ku saleeyaan qaab qabiil sida guura iwm. waana arrin fool xun oo aan diinta waafaqsaneyn.

Taasi waxaa tusaale cad ah noogu filan maamulka dawladdimo ee maanta dalka ka jira lagu dhisay ama halbeen looga dhigay qaab qabiil oo qaacido ahaan loogu saldhigay 4.5, qaabkaasi oo ah dulmi iyo cadaalad daro hase yeeshee dad fara badan ayaa ku faraxsan dulmigaasi maxaa yeelay waxay rabaan in ay xaq daro ku qaataan wax aysan lahayn, sidaasi darteed waxaan leeyahay kuwa maanta shacabka soomaaliyeed ay u wakiisheen laba gole ee barlamaanka soomaaliyeed in ay ka gudbaan qaabkii qabiil ee lagu soo doortay oo ay u gudbaan qaranimo maxaa yeelay waxaa lagu aaminay masuuliyad weyn oo berito ilaahay kula xisaabtami doono, maamulka dawladda na waxaan leeyahay xilka aad ummadda u haysaan in si cadaalad iyo sinaan ugu qaybisaan oo aad ka baxaan qaab dhismeedku halbeegiisu yahay 4.5 dulmi oo ay cunsuriyad ku dheehan tahay ah waana arrin meel ka dhac ah oo loo geystay dad sharaf iyo haybad ba ku leh bushada soomaaliyeed dhexdeeda.

Qaacidada ah 4.5 ahna qabyaalad qabiil xambarsan waxaa asal ahaan halbeegaasi soo shac baxay shirkii dib heshiisiinta soomaaliyeed ee lagu qabtay magaaladda Carte – Djabouti , shirkaasi heshiiskii ka soo baxayna uu noqday sida tan “Xaq ma rabno ee xal baan rabnaa”, waa laba arriin aan meel wada gelin oo laga yaaq-yaqsado oo caqliga saliimka ah na uusan oggolaan Karin, runtii haddii xal la rabo waa in cadaalad iyo sinaan la helaa oo ay ummadda sinaanto , ka dib ayaa xalkii dhabta ah la gaari karaa oo ay soomaali dhibaatadda uga bixi kartaa, laakiinse inta dulmi iyo cadaalad daro ay jiraan marna lama filaayo in laga baxo dhibaatadda maanta dalka ku habsatay, la mana filaayo in la helo nabadgalyo taam ah iyo horumar, hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in aqoon-yahaanadda soomaaliyeedoo indhaha u ahaa shacabka soomaaliyeed ay shirkii Carte ee dalka Djaibouti lagu qabtay ay isku raaceen baaqaasi dulmiga iyo joor falka ku dhisan iyaga oo fiirsanaya danahooda gaar ah si ay u gaaran masab iyo darajo aysan xaq u lahayn.

Waxaan leeyaha ilaahow kuwa xaqa arka naga dhig ilaahow kuwa dulmiga ka fog naga dhig waxaana ku soo gabagabey gabaygii Abwaan mararxuum Cabdullahi Suldaan Tima Cadde“Dugsi ma leh qabyaaladu wax ay dumiso mooyaanee” waxaan u rajeynaynaa maamulka dawladnnimo ee maanta dalka ka jira inuu ilaahay waafajiyo wadada toosan oo lagu gaari karo horumar iyo nabadgalyo taam ah.

Dr. Abdulkadir Ali Bolay

bollay@hotmail.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS