Madaxweynaha oo soo xiray shirweynihii Qaran ee Dhallinyarada

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirweynihii Qaran ee looga hadlayay aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirkaasi oo R/wasaaraha dalka uu shalay ka furay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka kala timid gobollada dalka iyo dibadaba, waxaana looga hadlay sidii loo heli lahaa siyaasad lagu horumariyo dhallinyarada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shirkaasi, isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo ku qotontay horumarinta dhallinyarada, isagoo xusay in dowladdu mudnaanta siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Mas’uuliyadda koobaad ee i saaran aniga waa dalka Soomaaliya la yiraa in uu midoobo hal dowlada yeesho, si kastooy u qaraartahay ayaa waxa dadka isku heynaya waxay aniga ii yihiin waxa an mar kasta muhiimadda siinayo oo aan ka shaqeeynayo” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed iney u soo jeestaan xoojinta dowladnimada iyo badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirkan oo socday muddo labo maalmood ah ayaa laga soo saaray Lix qodob oo ka hadlaya hagaajinta aayaha dhalinyarada Soomaaliyeed, waana kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto dalka.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS