DAAWO SAWIRO Wasaaradda cadaaladda oo siminaar ku qabatay Muqdisho-Sawirro
Friday April 15, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Siminaarkan loo qabtay dad weynaha ayaa loogu gol lahaa sidii loo sameyn lahaa gudi ka hortaga musuq maasuqa kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo arimaha garsoorka ee xukuumadda Soomaaliya.
Siminaarka ayaa waxaa ka qeybgalay mataliyaal kala socda hey’adaha garsoorka dalka, maamulada dalka,ururada bulshada rayidka ah, xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisulwasaaraha, iyadoo dhammaan ka qeybgaliyaasha ay xoosta ka xariiqeen sida ay muhiim u tahay in laga shaqeeyo ka hortagga musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta.
Agaasimaha guu ee wasaaradda cadaaladda ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Caabi, ayaa ka qeybgaliyaasha la wadaagay aragtada wasaaradda cadalaadda ay ka qabto sida looga hortagi karo dhibaatooyinka laga dhexlo musuq maasuqa.
Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa ayaa ah kii ugu horeeyay muddo ka badan 25 sano, iyadoo sidoo kalena madaxda wasaaraddu ay sheegeen in siminaarada noocaan ah la badan doono mustaqbalka sida bulshada Soomaaliyeed loo wacyigeliyo.
WAXAA IDIN SOO
DIYARIYE
WAR KAANI WARIYE
CABDUL QAADIR JOOKAR
NO COMMENTS