Daawo Sawiiro Aad uqurxoo Xuska 12-ka April oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga “SAWIRRO

  Tuesday April 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabadan loogu dabaal degayay 56 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mas’uuliyiin ka tirsan labaa gole ee dowladda, hogaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur galbeed, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo diblomaasiyiin, kaasi oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn markii uu tegay xarunta Wasaaradda difaaca waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka ayaa goobta ku soo bandhigay gaaddo ka cayaar iyo dhoolatus ciidan oo ku aadan munaasadda 12-ka April, waxaana ay ciidamada wateen gaadiid dagaal.

Intaas kadib waxaa xafladda ka hadlay taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay warbixin ka siiyay howlaha ciidanka xoogga dalka iyo guulaha ay soo hooyeen.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa hambalyo kadib waxa uu ka warbixiyay marxaladihii kala duwan ee ay soo mareen ciiidanka xoogga dalka, isagoo xusay inay joogteynayaan dib u dhiska ciidanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan muaasabadda 12-ka April u diray ciidanka xoogga dalka iyo xaasaskooda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soommaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waalidiinta carruurtooda ay soo qaldeen Al-shabab, isla markaana lagu qabtay dagaalladii ka dhacay Puntland iyo Galmudug ka dalbaday inay soo raadsadaan carruurtooda, ayna ka hortagaan in carruurtooda la qaldo oo loo adeegsado colaadaha.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay ku howlantahay diyaarinta Nidaam cusub oo ay mushaaraadka ku qaadanayaan ciidanka, si aysan u dhicin musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay diblomaasiin ka socday dowladaha Soomaaliya ka caawiyay dib u dhiska ciidanka.

IMG_0497IMG_0747IMG_0748

IMG_0500IMG_0504IMG_0505IMG_0518IMG_0521IMG_0522IMG_0523IMG_0531IMG_0533IMG_0535IMG_0552IMG_0553IMG_0554IMG_0555IMG_0571IMG_0572IMG_0574IMG_0575IMG_0579IMG_0584IMG_0585IMG_0593IMG_0633IMG_0635IMG_0636IMG_0637IMG_0638IMG_0640IMG_0641IMG_0642IMG_0643IMG_0644IMG_0665IMG_0666IMG_0668IMG_0669IMG_0673IMG_0682IMG_0685IMG_0728IMG_0731IMG_0733IMG_0734IMG_0737IMG_0740IMG_0741IMG_0742IMG_0765IMG_0772IMG_0776IMG_0778IMG_0781IMG_0803IMG_0805

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS