Shirka madasha watashiga Qaran oo laga soo saaray qodobo dhowr ah

  Tuesday April 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Shirka madashad wadatashiga Qaranka oo la soo gabo gabeeyay ayaa la isku raacay in la dhiso labo guddi doorasho oo midkood yahay heer Qaran, halka mid kale uu noqonayo heer gobol, waxaana xulista labada aqal hor mari doono aqalka sare ee baarlamaanka, iyadoo isku meel ay doorashada ka dhaceyso, gaar ahaan xarumaha dowlad goboleedyada.

Doorashada baarlamaanka aqalka sare waxaa u codeynaya baarlamka dowlad goboleedyada dhisan, halka aqalka hoose ay xulistiisu saldhig u noqon doonto 135tii oday .

Xildhibaan kasta waxaa soo dooranaya 50 ergo, guud ahaan waxaa xubnaha baarlamaanka dooranaya ergo gaareysa 13,750 ergo.

Munaasabada lagu soo gabo gabeynayo shirka oo iminka ka socoto waxaa goob joog ka ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka, Madaxda maamul goboleedyada, Wasiiro iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS