DHageyso Maamulka K/Galbeed oo dowladda F. S. ku bogaadiyay heshiiska ay la gashay Puntland+Dhageyso

  Saturday April 09, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Shir deg deg ah oo ay maanta yeesheey golaha wasiirrada ee maamulka Koofur Galbeed uuna shir gudoominayay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa looga hadlay dadaaladii uu R/wasaaraha dalku ku bixiyay heshiiskii dhexmaray dowladda iyo maamulka Puntland iyo arrimo kale.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo kulnkaasi kaddib saxaafadda l ahadlay ayaa sheegay in maamulka Koofur Galbeed uu dowladda Federaalka ku bogaadinayo heshiiski ay la gashay maamulka Puntland iyo guud ahaan dadaallada hagar la’aaneed oo ay ku horumarineeyso dalka.

“Dowlad goboleedka Koofur Galbeed wxeey ku bogaadisay dowladda F. S. dadaalkii ay u gashay sidii ummadda Soomaaliyyed ay uga sii dhaqaaqi laheyd halka ay iminka taagantahay, iyo shirkii muhiimka ahaa ee lagu qabtay magaalada Garowe,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka K/Galbeed.

Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in maamulka Koofur Galbeed uu diyaar garoow ugu jiro sidii haraadiga maleeshiyaadka Shabaab looga xoreyn lahaa deegaannada ka tirsan maamulkaasi, isagoo tilmaamay in la diyaariyay ciidamadii fulin lahaa howlgalkaasi

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS