Nidaamka Federaalka iyo Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha Dhexe oo laga hadlay

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ka qayb galayay Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Subax waliba ka baxa Radio Muqdisgho marka laga Reebo Maalinta Jimcaha ayaa sheegay in dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe uu soo dhawaynayo isla markaana Gobolladaas ay yihiin kuwo Barwaaqo ah.

“Nidaamka Federaalku waxa uu soo Billowday 2004 illaa iyo xilligaanna waa uu jiraa, Maadaama Dowladdu ay Qaadatay Nidaamkaas Sharcina uu yahay waxaa Waajib nagu ah inaan qaadanno soona Dhawayno gobollada hadda mamulka loo samaynayo waa kuwo barwaaqo ah ” Ayuu yiri Cabdullaahi.

Dhanka kale Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Dhubad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ku leedahay dar-dar galinta Howshaan.

“Gobolladaan hadda dhismaaya waa kuwii ugu dambeeyay uu dalkeennu yeesho Insha Allaahu guul ayuu ku dhamaan doonaa dadka labadaa gobolka Maamul Ayay dhisan doonaan waxbadan oo mugdi kujirayna dowladda ayaa iftiimisay mar haddii la yiri Caasimadda Gobolladaas Waa degmada Buulaburde” ayuu yiri Cabdiraxmaan Dhubad.

Aqoonyahannada ayaa isku raacay in dowladda Federalka Soomaaliya ay iftiimisay Hanaanka loo wajahayo Maamul Usamaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS