Maryamo Abuukar Jimcaale oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

  Wednesday April 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maryamo Abuukar Jimcaale oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho muddo 6 sano ah isla markaana xaaladeeda caafimaad wax looga qaban waayay gudaha dalka ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, si xaaladeeda cafimaad wax looga qabta, iyadoo ay qarashaadka ku baxayana ay iska soo aruuriyeen bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, kuwaasoo ka damqaday xanuunka gabadhaasi yar haya.

Hooyo Naciima Cisman Tifow oo ah hooyada dhashay gabadhaasi xanuunsaneysa ayaa u mahadcelisay dadkii ka qeyb qaatay gargaarka caafimaad ee gabadheeda, iyadoo Alle ka bariday in uu caafimaad siiyo.

Axmed Abshir Geeddi oo ka mid ah dadka soo aruurriyay deeqaha lacageed ayaa umahadceliyay dhammaan dadkii iska xilsaaray ka qeyb qaadashada xaaladda ganbadhan yar oo xanuunsam

Maryamo Abuukar Jimcaale oo ah gabadha xanuunsan isla markaana loo qaaday dalka Turkiga ayaa u mahadcelisay dadki ka qeyb qaatay gargaarka caafimaad ee dibada ah ee loo sameeyay.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Warbaahitna Qaranka uu xilweyn iska saaray baahinta xaalada caafimaad darro ee haysata gabdhaasi yar, taasoo keentay in dad badan ay gurmad caafimaad u fidiyaan.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS