Labo Qarax is xiga oo gil gilay Garoonka Diyaaradaha Brussels

  Tuesday March 22, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Labo qarax ayaa laga maqlay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Qaraxyadan oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu ahaa ayaa waxaa uu sababay in daaqadihii iyo muraayadihii garoonka uu soo daato.

Sawirro la soo dhigay Baraha bulshada ayaa muujinayay qiic ka baxayay dhismo ka mid ah garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa hore uu ahaa mid yar, halka qaraxa labaad uu ahaa mid aad u xoogan oo gebi ahaanba ruxay garoonka oo idil.

Qaraxyada ayaa waxay dhaceen xilli dadka ay sugayeen diyaarada American Airlines, isla markaana safaf ay ugu jireen miiska laga fiiriyo tikidka iyo baasabooradooda , waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo aan wali tiradooda la sheegin.

Waxaa gebi ahaanba la xiray garoonka diyaaradaha Brussels, iyadoo la joojiyay dhamaan duulimaadyadii imaanayay iyo kuwa ka baxay.

brussels-654528

Qaraxyadan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Brussels ayaa ku soo beegmaya afar maalmood kadib markii la qabtay Saleh Abdesalam oo ahaa ninkii looga shakisanaa inuu ka dambeeyay weerardii Paris ee sanadkii hore dhacay.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS