Obama iyo Raul Castro oo ku kala aragti duwanaaday xuquuqda Aadanaha

  Tuesday March 22, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Hogaamiyaha Cuba Raul Castro oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Havana ayaa si aad ah ugu kala aragti duwanaaday xuquuqda aadanaha, xoriyada siyaasada iyo dimoqraadiyada.

Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay in Cuba la timaado fur furnaan dhinaca xoriyada siyaasada iyo dimoqraadiyada, waxaana uu xusay in xayiraada la saaray sida kaliya ee Aqalka Congress-ka ugu qaadi karo ay tahay, iyadoo dib u eegis ku sameyso arrimaha xuquuqda aadanaha iyo dimoqraadiyada.

Madaxweyne Obama ayaa ku ammaanay Cuba inay horumar ka gaartay Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana uu xusay inay si dhow ah u wada shaqeyn doonaan Cuba.

Hogaamiyaha Cuba ayaa weydiiyay Madaxweyne Obama inuu soo sheego maxaabiista u xiran siyaasada hadii uu og yahay, waxaana uu tilmaamay inuu Liis u keeno hadii uu haayo dad u xiran arrimaha siyaasada.

Raul Castro ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Mareykanka inuu xiro Xabsiga Guantanamo May oo ku yaalla Gacanka Cuba.

Obama ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Mareykanka ah oo booqda Cuba, muddo ku dhow sagaashan sano, waxaana tani ay soo afjareysaa cilaaqaadkii xumaa ee labadan dal ka dhaxeeyay muddo 55 sano ah.

obama-castro (1)obama-castro (2)obama-castro (3)obama-castro (4)obama-castro (5)obama-castro (6)

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS