Daawo Sawirada'' Wabiga Shabelle oo guray iyo dadka oo bilaabay in Wabiga oo eber ah biyo ka raadiyaan Haraad owgeed

  Monday March 21, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kumanaan qoys oo kunool deegaanada saaran hareeraha jiinka wabiga Shabeele ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xiligaan waxaa soo foodsaaray biyo la,aantii ugu xumeyd ee soo marta mudo ka badan sodan sano.


Dadka degan agagaarka wabiga ayaa noloshooda waxa ay ku xirneed biyaha wabiga taasi oo ay u isticmaali jireen tacabka beeraha iyo nolosha guryahooda waxaana hada wabiga shabeele uu yahay mid gebi ahaanba guray ama ay dhamaadeen biyahiisa, waxaadna arkeysaa caruur iyo haween haraad dartiis u qodanaya wabiga dhexdiisa si ay ugu helaan wax uun biyo.


Waxaa jirta in tuulooyin dhoor ah oo ay kamid yihiin maandheere, bacaadley jiilaale, xawaadleey iyo kuwo kale ay caruur ugu geeriyoodeen biyo wasaqeysan oo ay cabeen ,waxaana deegaanadaasi kajira cudurka shuban biyoodka.


Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa qiray in Biyo la,aanta ay sababtay in ay ka dhasheen Cuduro Shuban biyoodka ka mid yahay iyadoo caruur ugu geeriyootay Tuulada Maandheere oo ka tirsan Tuulooyinka hoos yimaado Degmada Jowhar.


Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha dhexe ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hey`addaha caalamka in kaalmo gar gaar Bani,aadanimo oo degdeg ahay la soo gaaraan dadka ku dhaqan Degmooyinka gobolka iyo deegaanada hoosyimaada isagoo si gaar ah ugu baaqay gudiga Gurmadaka Abaaraha ee dhowaan magacaawday Wasaarada Arimaha gudaha in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ay saameysay abaarta.

Sida ay sheegeen odAyaasha waayo jooga ah in wabiga uu sidaan oo kale noqday 35 sano kahor markaasi oo ay dilaacday abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Dhaxe.








NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS