C/wali Gaas “Puntland waa isaga filan tahay inay la dagaalanto Al-Shabaab, AMISOM uma baahni”

  Thursday March 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Washington ayaa ka hadlay dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee gaaray deegaano dhaca xeebaha Puntland, halkaasoo maalmo ka hor ay doonyo kaga dageen.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu kaga hadlay dhaq dhaqaaqyada cusub ee Al-Shabaab ka bilowday deegaano ka tirsan Puntland, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid ku cusub, maadaama horay ay dagaal kula jiraan Shabaabka ku sugnaa buuraha Galgala.

Mar la weydiiyay waxa ka jira eedeynta ka soo yeertay Wasiir ka tirsan Maamulkiisa oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka dambeyso Shabaabka gaaray deegaanka Garacad iyo deegaanada kale ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay.

“Warkaas war sax ah ma ahan, aniga ma aaminsani in dowladda federaalka ay mas’uul ka tahay ficilada Shabaab, dagaalka aan kula jirno mid la mid ah ayay kula jirtaa, wada shaqeyn, in la iska celiyo iyo dalkan laga xoreeyo Shabaab ayaa isku hadaf aan wada leenahay dowladda Soomaaliya, marka aniga ma aaminsani in arrintaas jirto, wax xaqiiqo oo aan u heyno ma jirto”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

C/wali Gaas ayaa sheegay in aanu maqlin hadalka Wasiirka inuu toos u dhahay, balse arrintaas siyaabo kala duwan loo turjumay sida uu yiri.

“Wasiir hadalkaas si toos u yiri ma maqal, siyaabo kala waa loo turjumay, aniga Cabdiweli ahaan nimankaas waa cadaw Soomaaliyeed, Soomaali makala saaro, Koofur iyo Waqooyi ma kala lahan, waa cadaw gobolka oo dhan shido ku ah iyo Caalamkaba”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aan xilligan loo baahneyn in la is eedeeyo, isla markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo, sidii meel looga soo wada jeesan lahaa hal cadaw oo ay leeyihiin, loona midoobo sida uu yiri.

Mar la weydiiyay inay u baahan yihiin Ciidamo AMISOM ayuu sheegay in aanay u baahneyn Ciidamo AMISOM, isla markaana ay isaga filan yihiin, waxaase uu dalbaday inay helaan taageero la mid ah mida ay helaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada xoogga dalka, maadaama Shabaabka koofurta iyo kuwa buuraha Galgala isku mid yihiin.

“Anaga AMISOM uma baahni, Puntland waa isaga filan tahay, dowladaha caalamka waxaa kala hadalnay in Puntland la taageero, wixii taakuleyn oo la siiyo AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliyeed ayay Puntland xaq u leedahay, Shabaabka Koofurta iyo kuwa Buuraha Galgala waa isku mid”ayuu yiri C/wali Gaas.

Sidoo kale mar la weydiiyay tirada ay yihiin dagaalyahanada iyo halka ay ka yimaadeen, ayuu sheegay in aanay heyn tirada saxda ah, balse ay og yihiin kaliya inay Gobolada Dhexe iyo Koofurta Soomaaliya ka yimaadaan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay isku fidinayaan deegaano ka tirsan Puntland, markii boqolaal ka mid ah ay maalmihii la soo dhaafay ay doonyo ku gaareen deegaanadaa xeebta ku yaalla ee ka tirsan Maamulka Puntland.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS