Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii mucaaradsanaa maamulkiisa oo ku heshiiyay Kismaayo

  Thursday March 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maarso 17 (Jowhar)— Shir dib u heshiisiin ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii mucaaradsanaa maamulkiisa ee ka soo jeeday Gobolka Gedo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka qeyb galay shirka ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid muhiim ah oo gacan ka geysan doono nabada deegaanada MaamulkaJubbaland.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku heshiiyay 14 qodob, waxaana la isla qaatay in dhamaan 14-kaas qodob la dhaqan geliyo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska, isla markaana loo baahan yahay in wixii hada ka dambeeya laga shaqeeyo horumarka, nabada iyo dib u heshiisiinta.

Siyaasiyiinta qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobadii ay soo jeediyeen dhamaantood la qaatay oo ay ku qanacsan yihiin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu siyaasiyiinta ka soo horjeeday Maamulkiisa uu u magacaabi doono xilal Wasiiro.

Sanadkii hore ayay aheyd markii heshiis sidan oo kale ah uu ka dhacay degmada Doolow, inkastoo markii dambe siyaasiyiintii ka qeyb gashay heshiiskaas ay sheegeen in la shirqoolay, isla markaana si qasab ah loogu amray inay raacaan Maamulka Jubbaland ama la xirayo.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS