Daawo Sawirada '' Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Goobo Dalxiis oo kutaala magaalada Grand Bassam
Views: 3870
Monday March 14, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Inta la xaqiijiyay Weerarkaas waxaa ku dhintay 14 qof oo rayid ah iyo 2 askari, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 22 qof oo kale, dadka ku dhintay weerarkaan waxaa ku jira caruur yar yra oo ku sugnaa xeeb loo dalxiis tago.
Koox Sirdoon ah oo magaceeda loo soo gaabiyay SITE oo ah koox dabagasha bogaga kooxaha xagjiriinta ayaa sheegey iney weerarkaas sheegatay kooxda Al-qaacida ee Maqrib, waxaanay ku tilmaameen iney kooxdu ku soo qortay bogeeda Telegram Channel.
Kooxda Al-Qaacida ee sheegatay Masuuliyada Weerarkan ayaa tilmaamtay in weerar qorsheesan ay ku qaadeen 3 hotel oo ku yaalla xeebta dalxiiska loo tago ee magaalada Grand Bassam ee dalkaasi Ivory coast.
Madaxweynaha dalka Ivory Coast, Alassane Ouattara ayaa cadeeyay tirade dadka goobtaas lagu laayay, sidoo kalena waxa uu xaqiijiyay in dhamaanba la diley dadkii weerarka soo qaaday.
Magaalada Grand Bassam ayaa waxay 40 kilo mitir dhinaca Bari kaga beegantahay magaalada Abidjan ee dalkaasi Ivory Coast, waxaana ku dhaqan dad tiradooda lagu qiyaasay 80,000 oo qof.









NO COMMENTS