Daawo Sawirada''Rabshado hareeyay Goob uu Khudbad ka jeedin lahaa Donald Trump iyo Xaalada oo faraha ka baxday

  Saturday March 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Rabshado xoogan ayaa ka dhacay Magaalada Chicago ee dalka Mareykanka , kadib markii ay isku dhaceen Taageerayaasha Musharaxa ugu cad cad ee Xisbiga Jamhuuriyada Donald Trump iyo dadweyne careesan oo kasoo horjeeday Cunsuriyada Musharaxaasi.

Musharax Donald Trump , ayaa qorseenayay in banaanbaxa ay soo abaabuleen taageerayaashiisa uu khudbad ka jeediyo hasa ahaatee xaalka ayaa is badalay kadib markii dad careesan oo Siyaasadiisa cunsuriyada ku dheehan kasoo horjeeda ay is hortaageen bananabaxa lagu taageerayay.

Labada Koox ee midna taageersanaa Donald Trump iyo kooxda kale ee kasoo horjeeday ayaa markii dambe gacmaha iskula tagay, booliiska ayaana ku guul dareestay in la dajiyo xalaada iyadoona ugu dambeyn Donald Trump uu ku qasbanaaday in uu goobta isaga tago isaga oon wax khudbad ah jeedin.


Booliiska Rabshadaha ka hortaga oo so kala dhax galay labada dhinac ee rabshadaha u dhaxeeyeen ayaa ugu dambeyn dadka kala eryay, waxa ayna Ciidamada ay xireen dad ku dhaw 40-qof oo labada dhinac katirsanaa kuna lug lahaa rabshadaha dhacay.

Donald Trump , oo ah Musharax ugu cad cad ee Xisbiga Jamhuuriya u matalaya doorashada ka dhaceysa Mareykanka ayaa ah nin aan qarsan naceybka uu u qabo dadka Muslimiinta ah iyo dadka kale ee kasoo jeeda Laatiin Amerika, musharax ayaana marar badan jeediyay hadalo cunsuriyad iyo naceyb ay ku dheehan tahay.














NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS