Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka “SAWIRRO”

  Saturday February 20, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Qalabkan caafimaad oo noocyo badan ka kooban isla markaana loogu talagalay Isbitaalka guud ee gobolka Baay, ayaa waxaa soo dhiibay ururka Arlaadi Aid oo ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed dalka Mareykanka, waxaana maanta lagu wareejiyay guddoomiyaha gobolka Baay, iyadoo goob joog ka ahaa Xildibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Nuur Maxamed Nuunow oo ah guddoomiyaha ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid ee dalka Mareykanka oo qalabka caafimaad juhdi weyn geliyay sidii halka lagu soo gaarsiin lahaa ayaa u mahadceliyay dadkii gacanta ka geystay howshan samafalka ah.

Guddomiyaha gobolka Baay C/rashiid Maxamed C/laahi oo qalabka kala wareegay ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid oo wakiil ka ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa balan qaaday in qalabka loogu adeegi doono dadkii loogu talagalay, waxaana uu baaq in direy dadka Soomaaliyeed in ay isu gurmadaan.

Xildhibaan Yacquub Maxamed Cali oo ka tirsan Barlamaanka Soomaliya, ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo howshan samafalka ah dhabarka u riday, isagoo sheegay isbitaalka magaalada Baydhabo uu baahi aad u weyn u qabay qalabkan caafimaad, maadaama isbitaalka uu yahay mid u adeega dadka ku nool gobolada Baay, Jubada Dhexe, Gedo iyo gobolka Bakool…

Qalabka caafimaad oo maanta maamulka gobolka Baay uu kula wareegay dekada weyn ee Muqdisho ayaa ah mid wax weyn ka tari doono baahida caafimaad ee ka jirto Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo oo hada ay maamusho hey’adda Laan qeyrta case e caalamiga ah ICRC, kaas oo u baahan in mar kasta laga war qabo si loola socda tayada adeega ee isbitaalka uu bixiyo.

WAXAA SOODIYARIYEY WARIYE JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS