Olole nadaafadeed oo xilliyada habeenkii ah ka bilowday magaalada Boosaaso

  Monday February 08, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa laga bilaabay olole nadaafadeed oo xilliyada habeenkii ah, kaasi oo looga gol’leeyahay sidii loo hagaajin lahaa bilicda magaalada.

Ololahan ka bilowda xaafadaha magaalada Boosaaso ayaa maamulka gobolka Bari waxa ay ku sheegeen inay tahay mid lagu xoojinayo bilicda magaalada, waxaana ay intaa ku dareen in maalinki ay dadku shaqo ku mashquulsanyihiin howlahooda shaqo, balse habeenkii ay isla garteen in la xoojiyo ololaha nadaafadeed ee dib loogu soo celinayo bilicdii ay magaaladu lahayd.

Maamulka Gobolka Bari waxa ay bulshada magaalada ugu baaqeen inay ka qeyb qaadaan ololaha nadaafadda, isla markaana ay qashinka ka ilaaliyaan meelaha ay ku shubayaan, si dadka howsha nadaafadda ku howlan ay ugu sahlanaato.

Xildhibaan Maxamed Maax Colow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Bosaaso, kana tirsan Waaxda nadaafada iyo fadhawrka ee Dawlada Hoose ayaa ganacsatada uga digay in qashinka ay waddooyinka ku soo daadiyaan, isagoo xusay in ciddii lagu arka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS