Qoraayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhiga caalamiga ah ee buugaagta oo lagu qabtay Masar

  Monday February 08, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Qoraayaal Soomaaliyeed ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay ku soo bandhigeen buugaag kala duwan oo ay ku qoreen afafka qalaad, iyadoo bandhigaasina ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu kamid yahay Ra’iisulwasaaraha dalka Masar.

Maxamed Axmed Shiil guddoomiyaha Midowga Maktabadaha Soomaalida ee Masar oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in sanadkan uu u yahay markii labaad ee ay ka qeyb galaan qorayaasha Soomaalida, waxaana uu intaa ku daray in Soomaalida ka qeygashay ay gaarayso 18-qof.

“Waxaa na soo booqday Ra’iisul wasaaraha dalka Masar iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Marooko, runtii dhiiri gelin ayaan ka helnay markii aan uga sheekeyno xaaladda dalka iyo buugaagta aan diyaarinay, anaguna farxad ayay noo tahay in aan ka soo hor muuqano bandhiga caalamiga ah ee buugaagta” ayuu yiri Qoraa sare Maxamed Axmed.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS