Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Friday January 29, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kadib dhageysi ay sameeyeen xubno ka tirsan xeer beegti maxkamad madani ah oo ku taala magaalada barakeysan ee Makkah iyo tijaabo DNA oo la qaaday , ayaa lagu ogaaday in gabar 35 sano jir ah aabaheed uu yahay nin Sacuudi u dhashay.
Sodon iyo shan sano ka hor, ayaa wiil Sacuudiyaan ah waxaa uu guursaday gabar u dhalatay dalka Burma hase yeeshee heysata baasaboor been abuur ah oo Pakistaan ah, waxayna u dhashay canug.

Guurkooda muddo dheer ma sii raagin, haweentii waxaa ay ka tagtay boqortooyada kadib markii ay la kulantay duruufo aan la carabaabin, iyadoo canugeedi yeraa qaadatay ka hor inta aan loo diiwaangelinin Sacuudiga.

Safarka haweebtii ayaa waxaa uu sababay in ay canuga ii dhibaato la kulmo, balse muddo kadib gabadhii waxaa ay ku soo laabtay dalka Sacuudiga baasboor Pakistaan, iyadoo wadata magaca labaad ee ninka hooyadeed qaba sida aabaheed.
Iyadoo la hadlaysay wargeys maxali ah, gabadha lagu magacaabo Maryam ayaa sheegtay in been loogu sheegay aabaheed isla markaana loo diiday in ay aabaheed la noolaato “ Hooyaday ayaa ii xaqiijisay in uu aabaheed uu yahay nin Pakistaan ah oo hooyadeed qaba , laakiin markii hooyaday iyo ninkeedi ay ku soo laabteen Sacuudiga , anigoo 20 sano jir ah waxaan guursaday nin Pakistaan ah. Xilligaas ayaa ogaaday in ninka hooyaday qaba uusan aabahey aheyd.”
Maryam waxaa ay dariska iyo qaraabada weydiisay arintan hase yeeshee waxaa ay ogaaday in hooyadeed iyo aabaheed kala tageen isla markaana hooyadeed ka tagtay boqortooyada Sacuudiga.
Maanta , waxaa ay ku nooshahay duleedka magaalada Makatal mukarama waxayna heysataa labo carruur ah, mana heysato wax daryeel ah, iyadoo mas’uuliyiinta Sacuudiga ah ku wargeliyeen in ay soo cadeyso guriga iyo carruurteeda.

“Aabahey hadda waxaa uu ku jiraa da’da 70; isagoo la daalaadhacaya dhibaatooyin dhaqaale. Ducumentigayga waxaa uu u baahan yahay in la cusbooneysiiyo, codsigeyga dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira mid dhaqaale iyo mid taageero bulshadeeda ah sida ay ii sheegeen saraakiisha ,” ayay sheegtay.
Maryam hadda waxaa qaba nin Pakistaan u dhashay oo ay u dhashay labo carruur, ayagoo nolashooda ku tiirsan tahay sadaqo, maadaama seygeeda uusan shaqo heysan sharci la’aan darteed.
Maryam hadda waxaa ay rajaynaysaa in dhibaatadaasi ka baxdo kadib marka ay hesho ducumentiyada dhashadeeda Sacuudiga waxayna heli doontaa shaqo qoyskeeda ku caawiso.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS