Dr. Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa isagoo ku hadlaya Golayaasha Maamulka Puntland iyo Shacabkooda, waxa uu Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd eek u timid Danjire Cabdulaahi Siciid Cusmaan oo xalay ku geeriyooday Carriga Mareekanka.

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Dr Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay marxuumka in uu ahaa shaqsi karti leh islamarkaasna xilal kala duwan u soo qabtay Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Eebe uga baryay marxuumka in uu Jannatul firdowsa ka-waraabiyo, Samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan Eheladii, Qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, AAMIIN AAMIIN.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar