WASIIRKA HAWLAHA GUUD EE SOMALIA OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY SHACABKA IYO MAAMULKA AFGOOYE

  Tuesday January 26, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka hawlaha guuud iyo dib u dhiska ee Dowladda Federaalka Somalia, Inj. Saalax Sh. Cismaan oo Hoggaaminaya wafdi ay ka mid ahaayeen xildhibaanno a ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo saraakiil ayaa tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellad Hoose; halkaasoo uu ku dhageystay warbixinno kala duwan.

2

Xubnaha wafdiga wasiirka ayaa waxaa Afgooye kusoo dhaweeyay mas’uuiyiinta ka tirsan maamulka Koonfur-Galbeed, midka Gobolka Shabeeladda Hoose, Saraakiisha, Odayaasha deegaanka iyo shacab badan, kuwaasoo ku faraxsana Imaanshaha wasiirka iyo wafdigiisa.

Ujeedada safarka wasiirka ayaa ahayd inuu indho-indheeyo xaaladda nabadda iyo bulshada ku nool Afgooye, ayaa markii uu tagay ayuu la hadlay Maamulka, odoyaasha iyo shacabka, isagoo u soo jeediyay inay la shaqeeyan ciidamada si loo helo nabad waarta oo ah; taasoo ah tallaabada ugu muhimsan oo horumar ku gaari karaan bulshada ku nool Afgooye.

Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska Somalia, Inj. Xaalax ayaa dadweynaha Afgooye u sheegay in dowladdu ay si deg-deg ah uga jawaabi doonto baahida lagama maarmaanka ah oo la xiriirta Arrimaha adeega Bulshada sida; Dhismaha Waddada isku-xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo buundada Afgooye oo labaduba uu ka muuqdey burbur aad u baaxad weyn.

Sidoo kale, qaar ka mid ah xildhibaannadii wafdiga la socday ayaa halkaa yana hadallo ka jeediyay, iyagoo sheegay in Afgooye ay ka mid tahay degmooyinka ugu wax soo saarka badan dalka, iyagoo ugu baaqay bulshada inay ka si aad ah uga faa’iideystaan khayraadka; ayna si weyn uga shaqeeyaan amniga oo la’antiis aan wax horumar ah la gaari karin.

Ugu dambeyn, guddomiyaha gobolka Shabeelada Hoose oo isagana ka hadley goobta ayaa mahad-celin kaddib Xusay in gobolka ay ka jiraan baahiyo fara badan, oo la xiriira dhanka adeegyada bulshada; isagoo ugu baaqey dowladda FS inay baahiyahaas wax ka qabtaan

12345

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS