Daawo Sawirada'' Isbitaalka Mugadishu City oo dalka Keenay Dhaqaatir dalka Dibadiisa loo aadi jiray

  Sunday January 24, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Isbitaalka Casriga Mugadishu City ee kuyaala Caasimada Soomaaliya ayaa dalka Keenay dhaqaatiir ajnabi ah gaar ahaan kuwa kasocda dalka Hindiya, kuwaa oo qaliino iyo daaweynba u sameyn doona bukaano badan oo Soomaaliyeed.


Mugadishu City Hospital ayaa inta badan Magaalada Muqdisho keena dhaqaatiir Hindi ah oo dadka Soomalaiyeed ay u aadi jireen dalka Hindiya, kuwaa oo qaliino iyo daaweynba ugu sameeya dadka Soomaaliyeed iyaga oo dalkooda jooga safar dibadna aanan u bixin.

Isbitaalka ayaa hada Muqdisho keenay Dhaqtarad ku taqasusstay cudurada haweenka iyo qaliinada, waxa ayna dhaqtarada inta ay joogto Isbitaalka Mugadishu City ay sameyn doontaa qaliino kala duwan oo u badan cudurada haweenka ku dhaca.


Dhaqtarada oo lagu magacaabo Juweeriya ayaa ka timid magaalada Hyderabad oo ay ka howlgasjo, waxa ayna dhaqtaradan ku taqasustay xanuunada haweenka ku dhaca sida, infections ku dhaca haweenka ee dhibaateya xaga dhalmada iyo daweenta xanuunada kala duwan ee haweenka lasoo darsa .

Drs Juweeriya ayaa inta ay joogto Isbitaalka Mugadishu City waxa ay sameyn doontaa qaliimada Laprsoscopyga ah ama leesarka ee lagu furayo tuyuubyada ka xeran haweenka, sidoo kale waxa ay sameen doontaa qaliimada burooyinka minka ee ku dhaca haweenka iyo qaliimada kale ee la xariira dhibaatooyinka haweenka ee xaga dhalmada .

Isbitaalka Mugadishu City ayaa waxaa buux dhaafiyay dad badan oo ka faa'iideesanaya dhaqtarada dalka Hindiya ka timid ee ku taqasustay cudurada haweenka dhibaateeya, waxaana Isbitaalku ku wargalinayaa bulshada Soomaaliyeed in dhaqtarada ay dalka joogi doonto mudo labo isbuuc ah.

Waxii Faah Faahin intaasi dheer kala xariirka Isbitaalka

Tell:0617699997
Tell:069957773
Ama Email-kan
mogacityhospitals@gmil.com














































































































































































































































WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS