Wariye Caan ah oo loo xiray Warbixn uu ka qoray Weerarkii Ceel Cadde ee lagu dilay askar badan oo Kenyan ah
Views: 3840
Sunday January 24, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Wariye Yaasiin Jumca oo ah Wariye caan ka ah gudaha dalka Kenya ayaa lagu xiray saldhiga booliiska ee Muthaiga ee magaaladda Nairobi, waxaana la filayaa in wariyaha lasoo taago maxkamad iyada oo wax laga weediinayo dambiga loo soo xiray.

Telefishinada iyo Warbaahinta kale ee ka howlgasha dalka Kenya ayaa baahiyay in ciidamada booliiska ay xireen Wariye Yasaiin Jumca, waxaana xariga Wariyaha lala xariiriyay warbixin uu ka qoray weerarkii Al-Shabaab ku laayeen askar badan oo Kenyan ah.
Dadka Kenyaanka ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa bilaabay olole xoogan ay ku dalbanayaan in Wariyaha xabsiga laga sii daayo lana siiyo xuriyadiisa, waxa ayna dadku inta badan wax laga naxo ku tilmamaeen xariga wariyaha caanka ah.
Wasiirka Arrimha Gudaha ee Kenya, oo hadlay maalin kadib Weerarkii Ceel Cadde ayaa ku hanjabay in la xiri doono cadaaladana la horkeeni doono dadka Kenyanka ah ee baahiya Sawirada iyo wararka aan wanagasaneyn ee ku aadan Weerarkii Ceel Cadde.
WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR
NO COMMENTS