Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku wajahan magaalada Xudur ee xarunt Gobolka Bakool si uu ugu guurgalo xaaladaha gobolkaasi xili ammaanka uu soo hagaagayo.

Xaaladda amniga ee degmada Xudur ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana socoto qorshe lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Koonfurgalbeed iyo wafdi uu hogaamimnayo oo socdaal shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo ay ugu horeysa xarunta gobolka ee Xudur.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku soo waramayaa in xaaladda amniga ee degmada Xudur ay tahay mid la isku halayn karo, waxaaana uu intaa ku daray in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in uu tababbar u soo xiri doono cutubyo ka tirsan ciidamada darawiishta ee Maamulka Koonfur galbeed, kuwaasi oo ka qeyb qaadan doono howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR