Madaxweyne Xasan Shiiq_ Ma fashilmin Shirkii Kismaayo ee wuu Guuleystay – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 20, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan fashilmin shirkii dhawaan madaxda Soomaalida ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xafladii caleema saarka ee guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo shaley lagu qabtay Baydhabo ayaa tilmaamay in shirkii Kismaayo uusan fashil ku dhamaanin, isagoo xusay in maalmo dhow ay madaxdu sii amba qaadi doonaan dhameystirka qodobadii la isla meel dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in bulshada Maamulka Koonfurgalbeed ay door ku lahaayeen hindisaha nidaamka Federaalka ah, isla markaana ay yihiin dad markasta u taagan taabo gelinta nidaamka Federaalka ah

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka maamul u sameynta ee ka socda magaalada Jowhar ee lagu dhameystirayo nidaamka federaalka ah ee ay dowladda qaadatay ayaa xusay in shirka uu bilowyahay, isla markaana uu ku rajo weynyahay in uu guul ku soo dhamaado, lana helo dowlad goboleed ay ku mideysanyihiin bulshada gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuu ayaa tilmaamay xusay inaysan jirin dowlad goboleed gacanta ku haya deegaanka uu maamulo, waxaana uu ku baaqay inay u istaagaan sidii ay guud ahaan deegaannada ay maamulaan gacanta ugu dhigi lahaayeen, isla markaana ay xaliyaan cidkasta o tabasho ka qabto maamulada jira.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS