DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo Digniin ka soo saaray Waraaqo Lagu daadiyey Maagalada Boosaaso

  Wednesday January 20, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
HALKAAN KA DHAGEYSO WARKA
Gudoomiyaha gobolka Bari ee Puntland Yuusuf Maxamed Waceys (Yuusuf Dhado) oo saxaafada kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa digniin kasoo saaray falal amni daro ah oo maalmahaan ka dhacayay magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale ay wadaan falalka amni darada ah ee ka dhacayay magaalada Boosaaso , wuxuuna sheegay in talaabo ay ka qaadi doonaan.

Warqadaha lagu daadiyay magaalada oo looga cabanayay falalka la xiriira shaqaaleynta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayuu sheegay ineysan shacabka ka dambeyn.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay ineysan u dulqaadan doonin dadka shacabka cuqada ku beeraya.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney talaabo adag ka qaadi doonaan dadka falalkaasi ka sameynaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS