“shirka looga hadlayo Dastuurka waxaa ka qeyb galaya Guddiyo qaabilsan iyo khubaro caalami ah oo ka socda waddamada maraykanka, Barasil iyo Sowth Africa marka aan dhageysanno talooyinkooda waxaan kaddib u soo gudbin doonnaa dastuurkan oon ka tala galin doonnaa Shacabka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaaalka, kaddib waxaan ka gudbi doonnaa dastuur kmg ah sannadkan” Ayuu Yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Dowladda Federaalka ayaa dadaaal weyn ugu jirta dib u eegis lagu sameynayo qodobada siyaasadeed ee ku jira Dastuurka dalka iyo kala saaaridda Awoodaha taas oo sahlaaysa in la helo dastuur aan kmg ahayn isla markaanaa kala xadida Awoodaha Siyasadeed marka ay yimaadaan isqab-qabsi.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar