Wasiir Odawaa oo la kulmaya Odayaasha labada Gobol – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Views: 3805
Tuesday January 19, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo shalay galab gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta kulamo la leh odayaasha iyo waxgaradka ku shirsan magaaladaas.
Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ay wehliyan, wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo xubno ka socda Golaha Baarlamaanka ayaa la filayaa saacadaha soo Aadan in magaalada jowhar ay kulamo kula qaataan Odayaasha Dhaqanka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay kala hadli Doonaa dar-dar gelinta shirka maamulka loogu sameynayo labada gobol ee jowhar ka socda.
Shirka maamul u sameynta dadka dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka socda magaalada jowhar iyadoo mas’uuliyiinta sare ee dowladda ay filayaan in shirkaas ay ka soo baxaan qorshaha loo qabtay oo ah gobolladaas inay qaataan Nidaamka federaalka.
Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar
NO COMMENTS