Madaxweynaha KGS& Wefdi Uu Hogaaminaayo Oo Ku Soo Wajahan Baydhabo

  Monday January 18, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo wefdi Ballaaran uu hogaaminaayo ayaa lafilayaa in uu maanta dib ugu soo laabto Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG Ah Ee KGS, ka dib markii ay guuldareysteen wada hadaladii Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaaliya ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo.

Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo, waxa ku sugan Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya Odayaasha Dhaqanka, maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Baydhabo.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa lafilayaa in uu faahfaahin ka bixiyo waxyaabihii keenay fashilka wada hadaladaas, xili ay xalay RW Soomaaliy sheegay in aan waxba horumar ah laga gaarin wada hadaladii looga hadlayay Nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa sanadkan.

Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in ay difaacayso aragtideeda Siyaasadeed, taas oo ah mid ay qabaan Shacabka KG Soomaaliyeed, ayna doonayaan in aan Soomaaliya lagu saleyn Nidaamka Heer Degmo oo dalkan u horseeday daganaansho la’aan iyo In uu asaagiis ka haro.

Wariyaha Idale News Online Baydhabo Janaay ayaa soo sheegaya in la dareemayo diyaar garowga Imaatinka wafdiga Madaxweynaha dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay shirar kala duwan la lahaa Madaxda dawladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiin oo ay arrimo badan ka wada hadleen.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS