R_W Cumar “Waxaa jiri doono kulamo kale oo lagu soo gunaanadayo nooca doorasha ee 2016” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Monday January 18, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guula laga gaaro shirarka Wadatashiga Qaran, ee looga hadlayo nooca doorasho ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay soo saari doonto waqti go’an oo ay Madaxda markale isugu imaanaan kulamo looga tashanayo hanaanka doorasho ee lagu wado inay dalka ka dhacdo sanadkan 2016-ka.
“Shirka dadaalo badan kadib meel fiican ayaan isla gaarnay, oo meeshii hore ee lakala joogay waa la isaga soo dhawaaday, Xukuumadda ayaa dadaal u geli doonto xilliga dambe ee shirka la isugu imaanayo oo lagu soo gunaanadayo wixii kala aragti duwanaansho ah, runtii meel fiican ayaan wax isla meel dhignay, waxyar oo farsamo ah ayaa haray, intaasna waa la dhameystiri doonaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.
Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar
NO COMMENTS